Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Abniga jsl Oo Kulan La Qaatay Madax ka socotay Haayada EUCAP | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Abniga jsl Oo Kulan La Qaatay Madax ka socotay Haayada EUCAP
March 6, 2025 - Written by Editor:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa maanta kulan isbarasho iyo xog-waran ah kula qaatay Xafiiskiisa madaxda ugu saraysa Haayada EUCAP Mission oo uu hogaaminayo Madaxa Hawlgalada iyo Tababarada Midawga Yurub Kestutis Lancinskas Qaybna Ka yihiin Xafiiska EUCAP Hargeysa.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga.

Madaxda sare ee EUCAP ayaa ku bogaadiyay Wasiirka  horumarka ballaadhan ee Somaliland ka sameysay arrimaha badda iyo sugidda amniga badda.

Ugu dambayn wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta joogtada ah ee ka dhaxaysa labada dhinac, isagoo xusay in iskaashigani uu horseedi doono wada xidhiidh fiican iyo horumar.

COMMENTS
LINKS