|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Cirro Oo Kulan Afur ah Usameeyay Madaxwaynayaashii Hore Ee Somaliland
March 9, 2025 - Written by Editor:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa caawa fiidkii kulan Afur ah ugu sameeyey hoygiisa Madaxweynayaashii 3-aad iyo 5-aad ee Somaliland Muddane Daahir Riyaale Kaahin iyo Muddane Muuse Biixi Cabdi .
Madaxweynaha ayaa labada Madaxweyne ee hore uga horrayn uga xaal waramey xaalada guud ee dalka. Kulankan ayaa waxaa uu dabo socday kulamo hore oo uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) la yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Somaliland si ay xogo-gaal ugu noqdaan iskana xaal waraystaan xaalada guud ee Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku tilmaaman hoggaamiye ku suntan la tashi iyo tixgelin. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Xadhigga Ka Jaray Shaybaadhka Qaranka Ee Hubinta Tayada Cuntada Iyo Daawada. Madaxwayne Siilanyo Iyo Muuse Biixi: Saaxiibo Mid Kasta Kan Kale Ka Sugayo Abaal Uu U Galay In Uu U ... Daawo:Iska Hor Imaad Rabshado Wata Oo Ay Iskaga Horyimaadeen Basaslayda Istaanka Xaafada Magaalo Uga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|