|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Cisbitaalka Hargaysa Ku Booqday Ciidamadii Kusoo Dhaawacmay Dagaalkii Deegaanka Buqdharkayn!
March 14, 2025 - Written by Editor:Hargeysa, (W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waxa uu maanta Cisbitaalka weyn ee Hargeysa ku booqday, mid midna u dul istaagay askar ka tirsan geesiyaada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ciidamada Madaniga ah ee dhawaan ku dhaawacmay hawlgalladii ugu dambeeyay ee difaaca Qaranka ee ka dhacay Degmada Buq-dharkayn.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu mid-mid ula kulmay askarta dhaawacantay isaga oo u kuur galayay xaaladda dhaawacyada ay qabaan ciidamadu, taasi oo ay dhakhaatiirta gacanta ku haya askarta dhaawacantay ay Madaxweynaha xog warran guud ka siiyeen xaaladooda. Madaxweynuhu waxa uu askarta dhaawacantay ku ammaanay geesinimadooda, naf-huridda iyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay hadh iyo habeenba ugu jiraan si ay u difaacaan dalka, dadka iyo diintaba. Madaxweynaha ayaa sida oo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Cisbitaalka iyo Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Qaranka ka dhegaystay xog warran la xidhiidha qaabka uu u socdo daryeelka Ciidamada dhaawacmay xag Caafimaad iyo xag nololeedba. Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa ay hoosta ka xariiqaysaa abaalka iyo mahad-celinta qotada dheer leh ee uu Qaranka u hayo geesiyada Ciidamada Qaranka iyo Ciidamada Madaniga ah, taasi oo muujinaysa sida ay Xukuumad ahaan uga go’an tahay in ay hiil iyo hooba la garab istaagto muddada ay ku jiraan ka soo kabashada dhaawacyada, isaga oo Madaxweynuhu Allah SWT uga baryey in uu caafimaad siiyo una booga-dhayo. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚
Related posts:Xusuusta Dhacdo Milicsanaysa Afduub u Horreeyey Ee Ilaallada Wasiirka Daakhiligu Ku Qafaallato Suxuf... Halkan ka Akhri; Abwaan Weedhsame Oo Maanso Baroor Diiq Ah Ka Tiriyay Geerida Marxuum Oday Xaaji Cab... Daawo:“Marnaba La Aqbali Karimaayo Dadka Shaabadaysan Ee Hantidii Umada Ku Shaabadaysan, Ee Wax Bada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|