Maayarka Gabiley Oo Booqday Taliska Guud Ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Gabiley Oo Booqday Taliska Guud Ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka
March 6, 2025 - Written by Editor:

Maayarka Magaalada Gabiley, Mudane Axmed Maxamed Axmed (Ciisood), ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Maayarka ayaa si diiran halkaas loogu soo dhaweeyay, Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), oo ay weheliyeen hoggaanka maamulka iyo maaliyadda ee ciidanka, Marwo Amran Axmed Baashe.

Mudane Axmed Ciisood ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Dab-demiska shaqada adag ee ay u hayaan bulshada, gaar ahaan sida ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah iyo gurmadka ay siiyaan shacabka. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay dadaalka Ciidanka Dab-demiska Gabiley iyo doorkooda muhiimka ah ee ay ka ciyaaraan badbaadinta nafta iyo hantida muwaadiniinta.

Booqashadan waxaa Maayarka ku wehelinayay xildhibaanadda Golaha Deegaanka Gabiley Mudane Cabdinaasir Haaruun Iyo Caydaruus Muxumed, kuwaas oo iyaguna muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta Dawladda Hoose iyo Ciidanka Dab-demiska

 

COMMENTS
LINKS