Khabiir Michael Rubin Oo Dawlada Maraykanka Ku Booriyay In Ay Aqoonsto Jamhuuriyada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khabiir Michael Rubin Oo Dawlada Maraykanka Ku Booriyay In Ay Aqoonsto Jamhuuriyada Somaliland
March 1, 2025 - Written by Editor:

Michael Rubin oo falanqeeya siyaasadda iyo ammaanka, ayaa ku booriyay Maraykanka inay aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, haddii kale ay taasi faa’iido u yeellan doonto Shiinaha.

Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay qoraal uu baahiyay Michael Rubin, waxaanu sheegay inay Somaliland leedahay khayraad dihin oo macdanta iyo birta dunida naadirka ku ahi ka mid yihiin.

Michael Rubin wuxuu tilmaamay haddii Maraykanku aqoonsan waayo Jamhuuriyadda Somaliland in taasi ay u faa’iidayn doonto Shiinaha oo noqon doona mid ka hor aqoonsada Somaliland Maraykanka.

Michael Rubin oo ah khabiir faalleeya siyaasadda iyo ammaanka ayaa ka mid ah saaxiibbada sida joogtada ah Maraykanka ugu soo jeediya inuu iskaashi ballaadhan la yeesho Somaliland, isla markaana uu ku dhiirado ictiraafka Somaliland oo uu ku sifeeyay inay noqon doono saaxiib iyo xulafo muhiim ah oo Maraykanku uu hoos ugu dhigi karo galaangalka Shiinuhu ku yeellanayo gobolka geeska Afrika.

Waxa kaloo khabiirkani uu dawladda Maraykanka u soo jeediyay xilliyo badan in uu ka waantoobo lacagaha tirada badan ee uu siiyo Soomaaliya oo uu ku tilmaamay dal fashilmay.

COMMENTS
LINKS