|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Kulan Afur iyo Casho ah la qaatay qaybaha kala Duwan Ee Bahda Garsoorka Dalka.
March 18, 2025 - Written by Editor:18/09/1446-17/03/2025-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Yoonis Axmed Yoonis, Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowlada Cabdicasiis Xirsi Warsame, Guddoomiyaha Guddida dib-u-habaynta Shuruucda Maxamuud Xuseen Faarax, qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Guddida Cadaaladda, Guddoomiyayaasha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada Hargeysa, qaar kamid ah Ku xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud, masuuliyiinta Ururka Garyaqaanada ee SOLLA iyo qaar kamid ah hal-doorka bulshada ayaa caawa kulan afur iyo casho ah la qaatay badi garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenadda ka hawl gala Gobolka Maroodi-jeex.
Nuxurka kulanka ayaa ku qotomay is xog waraysi guud oo la xidhiidha hawlaha ay bahda Garsoorku Qaranka u hayaan iyo xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee Garsoorka, waxa sidoo kale qayb ka ahayd is cafin iyo isku laab-xaadhnaanta maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan taasi oo khayr badan iyo wanaagba uu ku duugan yahay. Ugu horayn Sheekh Ciise Maxamuud oo kamid ah lataliyayaasha Maxkamadda Sare ayaa soo jeediyay in la is cafiyo maadama oo lagu jiro Bishi Barakaysnayd ee Ramadaan. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Yoonis Axmed Yoonis oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare madasha barakaysan ee uu soo agaasimay, waxaanu tilmaamay wada shaqaynta balaadhan ee ka dhexeysa Wasaaradda Cadaaladda iyo Bahda Garsoorka isagoo xusay in bahda Garsoorku hawlahooda u madax-banaan yihiin.
Geesta kale waxa kalmado mahadnaq iyo tallooyin ah kulanka ka jeediyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Cabdicasiis Xirsi Warsame iyo Guddoomiyaha Ururka Qarreenada dalka Xasan Cabdilaahi Cawaale. Ugu Damabayntiina Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, oo kulanka ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhammaan xubnaha kala duwan ee ka soo qayb galay, waxaanu is dul taagay shaqada adag ee bogaadinta mudan ee ay Qaranka u hayaan Bahda Garsoorku, waxaanu kula booriyay in ay halkaa kasii wadaan isna cafiyaan maadaama oo lagu jiro wakhti barako badan inta geeriyootayna u duceeyaan. Wa bilaahi tawfiiq. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|