|
|||||
WAJAALE NEWS
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ญ๐ข๐ ๐ข๐ข ๐ฎ ๐๐จ๐ ๐๐๐ฆ๐ข๐ง๐๐ฒ๐๐ฒ ๐จ๐จ ๐ฌ๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐ ๐ฅ๐ ๐ญ๐ฎ๐ค๐๐๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ ๐๐๐๐จ.
March 30, 2025 - Written by Editor:Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md.Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii u hogaaminayeyย ayaa maanta salaada ciidal fidrida la tukaday shacabka ku dhaqan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Madaxweyne kuxigeenka SL oo halkaasi kala hadlay shacabka reer Ceerigaabo ayaa siweyn ugu mahadnaqay sidii ay uga qayb qaateen qaramaynta ciidanka madaniga waxaana uuย yidhi:- “Shacabka Ceerigaabo waxaan uga mahadnaqayaa sidii ay noola shaqeeyeen, waxaanan rajaynayaa in ceerigaabo sideedi hore ku soo noqon doonto, wali way taalaa gogoshi nabadeed ee aan ku baaqay. Walaalayaal sidoo kale waxan ceel afwayn u joognaa in aan Qaramayno Ciidanka Madaniga ah ee deegaanadan sidii aanu hore ugu balan qaadnay waqtigii aanu ololaha ku jiray, Ciidanka madaniga ahi waxay heli doonaan xuquuq dhamaystiran oo ay kaga mid noqonayaan, waxaan cadaynayaa in Ciidanka Milatariga Jamhuuriyada Somaliland ay ku filan yihiin difaaca Dalka iyo xuduudihiisa.”ย Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka JSL. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |