๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐ข๐ข ๐ ๐จ๐ ๐จ๐ฅ ๐ฑ๐š๐š๐๐ก๐š๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ง๐š๐›๐š๐๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‚๐ž๐ž๐ฅ ๐€๐Ÿ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ข. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐ข๐ข ๐ ๐จ๐ ๐จ๐ฅ ๐ฑ๐š๐š๐๐ก๐š๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ง๐š๐›๐š๐๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‚๐ž๐ž๐ฅ ๐€๐Ÿ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ข.
March 18, 2025 - Written by Editor:

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdiย  iyo weftiga uu hoggaaminayo ee Toddobaadadii ugu dambeeyey ku sugnaaย  Magalaada Ceerigaabo ayaa magaalada Ceel Afweyn kulan loogu sii gogol xaadhayo shir weynaha nabadaynta Ceel-afweyn kulaย  yeeshay Guddida loo xulay Shirka Nabadaynta beelihii ay colaadu ku dhex-martay Degaanadaasi.

Kullanka ayaa waxa ku welelinayey Madaxweyne ku-xigeenka xubno Wasiiro ah iyoTaliyaha Ciidanka Qaranka iyo weliba Maamulka Gobolka Sanaag iyo ka Degmadda Ceel-Afweyn, Xildhibaanoย  iyo madaxda dhaqanka oo uu hormuud u yahay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow.

Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraday mihiimmada ay nabadu u leedahay bulshada, isaga oo la dardaarmay beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Degaamada Ceel Afweyn.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xusay in Xukuumada cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay ka go’an tahay in ay ka shaqayso midnimada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland, waxana uu yidhi:

“Xukumada Cusub waxa ay diyaarisay mashaariic horumarineed oo laga fullin doono gobolka Sanaag, marka uu dhamaado qorshaha nabada iyo qaramaynta ciidamada madaniga ah. Gobolka Sanaag Qiimo badan ayuu ugu fadhiya Somaliland, taasina waxa markhaati u ah muddada kooban ee Xukumadu jirto iyo sida ay mihiimada weyn u siisay Gobolka Sanaag”.

Shirweynaha nabadaynta Ceel-Afweyne ayaa la isla gartay in si rasmi ah loo furo maalinta Arbacada ah ee soo socota ee Todobaadkan.

Gunaanadkii, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa halkaasi ka ballan qaaday inay Xukuumadu ay si dhab ah u fulin doonto go’aamada ka soo baxa shirka nabadaynta Ceel Afweyn.

ALLAA MAHAD LEH,

COMMENTS
LINKS
       
       
       
      ๏ปฟ