𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐉𝐒𝐋 O𝐨 𝐭𝐮𝐤𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐮𝐥-𝐟𝐢𝐝𝐫𝐢𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐉𝐒𝐋 O𝐨 𝐭𝐮𝐤𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐮𝐥-𝐟𝐢𝐝𝐫𝐢𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚.
March 30, 2025 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kumanaan kun oo kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidrida oo maanta la oogay.

Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka iyo xubno kale oo katirsan xukuumadda, ayaa  tukashada salaadda Ciidul-fidrida kala qayb-galay kumanaan qof oo ku tukanayey Masjid-Jaamaca  Magaalada Hargeysa, waxanu salaadda kaddib bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, taas ku salaysan muhiimadda ay leedahay nabada wada-jirka iyo isku duubnimada bulshadu.

Ugu horrayn, Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa  bulshada Somaliland Alle uga baryey inuu ka aqbalo cibaadadii, soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa guud ahaanba shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey maalinta Ciidul-fidrida isaga oo Eebbena uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo, barwaaqo iyo dambi-dhaaf.

 

COMMENTS
LINKS