|
|||||
WAJAALE NEWS
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐
March 25, 2025 - Written by Editor:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta (25.03.2025) ka qayb galay Shirka Siyaasadda Caafimaadka Qaranka JSL oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, laguna qabtay Huteelka Ambassador magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa. Khudbada Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqday sida ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad uga goโan tahay in si hagar laโaan ah loo kordhiyo loona tayeeyo adeegyada caafimaadka aasaasiga ee bulshada JSL. Madaxweynaha waxa uu sheegay in helitaanka adeegyada caafimaadku ay tahay Xuquuq Aasaasi ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta reer Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan aanay waxba la hadhi doonin sidii loo horumarin lahaa nidaamka caafimaadka dalkeena, iyada oo la ballaarinayo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh, casriyeynta Xarumaha adeega Caafimaadka ee aasaasiga ah ee Gobollada iyo Degmooyinka, iyo maalgelinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah. Waxa uu ku booriyay dhammaan daneeyayaasha – Hay’adaha dawladda, Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada – in ay u midoobaan wax ka qabashada caqabadaha caafimaad si aynu u hiigsano horumar waara oo ah xagga adeegyada caafimaadka. Hadalka Madaxweynaha ayaa ahaa mid leh dhiiri-gelin, isla markaana yididiilo gelinaya kalsoonida ayย muwaadiniinta JSL ku qabaan barnaamijka tayaynta adeegyada caafimaadka ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Dhinaca kale, Wasiirka,ย Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si qoto dheer oo farshaxannimo leh u faah-faahiyey ujeedada sugan ee Siyaadasada Guud ee Caafimaadka Qaranka ee xilliga dhaw iyo xilliga dheer. Qodobbada ugu muhiimsan ee ay masuuliyiinta Wasaaraddu ku soo koobeen ujeedada Siyaasadda Caafimaadka Qaranka waxa ugu mudnaa:
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |