|
|||||
WAJAALE NEWS
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ญ๐๐๐๐๐๐ซ ๐ฎ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ ๐๐ก๐๐๐ค๐ก ๐๐ฎ๐๐๐๐๐ข๐ข ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐จ๐ซ๐ซ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ฒ ๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐ก
March 22, 2025 - Written by Editor:Sheekh (W,N)-ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta tababar uga furrey dugsiga tababarka Ciidanka Qaranka ee Cabdillaahi feedheeyey ee Degmadda Sheekh Dufacadii ugu horreysay ee ciidamadii maddaniga ahaa. Munaasabad furritaanka tababarka dufcadii ugu horraysay ee ciidanka maddaniga ah ayaa waxa ugu horreyn hadlay Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL,kuwaas oo halkaas uga ka jeediyey haddalo boggaadin iyo dhiirigelin ah. Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa amaanay ciidamada ,waxaanu sheegay inay kamid yihiin Ciidanka Qaranka JSL,waxaanu halkaas ku guddoonsiiyey xaqal ciid iyo sooryo Madaxweyne Madaxweynaha JSL ayaa dhiiriglin u sameeyey ciidamadan,waxaanu sheegay inay ku faanayaa inay kamid yihiin maanta Ciidanka Qaranka JSL,isagoo xusay in awoodaynta iyo casriyeynta ay la bilaabayaan Ciidanka Qaranka. Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa dhagax-dhigay dhisamayaal cusub oo lagu soo kordhin doonno dugsiga tababarka Ciidanka Qaranka ee Degmadda Sheekh. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Related posts:Baanka Dhexe Ee SOmaliland Iyo Waayo-aragnimada Uu Ka Heli karo Hab-maamulka Lacagaha Zaad-ka Iyo Ed... DAAWO; โBeesha Caalamka Siday Somaliland Ugu Dulman Tahay Ayay Gabileyna Somaliland Ugu Dulman Taha... DAAWO;-Xildhibaan Siciid Sokeeye Oo Jawaab Ka Bixiyay Eedo Iskumid Ah Oo Ay Usoo Jeediyeen Xasan Sh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |