|
|||||
WAJAALE NEWS
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐠𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐫𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡
March 22, 2025 - Written by Editor:Sheekh (W,N)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta tababar uga furrey dugsiga tababarka Ciidanka Qaranka ee Cabdillaahi feedheeyey ee Degmadda Sheekh Dufacadii ugu horreysay ee ciidamadii maddaniga ahaa. Munaasabad furritaanka tababarka dufcadii ugu horraysay ee ciidanka maddaniga ah ayaa waxa ugu horreyn hadlay Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL,kuwaas oo halkaas uga ka jeediyey haddalo boggaadin iyo dhiirigelin ah. Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa amaanay ciidamada ,waxaanu sheegay inay kamid yihiin Ciidanka Qaranka JSL,waxaanu halkaas ku guddoonsiiyey xaqal ciid iyo sooryo Madaxweyne Madaxweynaha JSL ayaa dhiiriglin u sameeyey ciidamadan,waxaanu sheegay inay ku faanayaa inay kamid yihiin maanta Ciidanka Qaranka JSL,isagoo xusay in awoodaynta iyo casriyeynta ay la bilaabayaan Ciidanka Qaranka. Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa dhagax-dhigay dhisamayaal cusub oo lagu soo kordhin doonno dugsiga tababarka Ciidanka Qaranka ee Degmadda Sheekh. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|