|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Jsl Oo Kormeer ku tagay Xabsiga Madheera Iyo Waxyaabaha Uu kusoo Arkay!
February 23, 2025 - Written by Editor:Wasiirka Wasaaradda Caddaaladsa JSL, Md. Yoonis Axmed Yoonis, ayaa kormeer xaqiiqo raadis ah ku sameeyey Xabsiga Madheera Ee Gobolka Saaxil. Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa qorshe lagu darsaayo, laguna kuurgalo xaalada nololeed ee ka jirta xabsiyadda dalka, gaar ahaan xuquuqaha aasaasiga ah ee maxaabiista, xaalaadda nadaafadeed iyo baahiyaha aasaasiga ah ee maxaabiista xabsiyadda dalka ku jira iyo guud ahaan caqabadaha haysta xabsiyadda.
Kormeerkan, ayaa wasiirka waxa ku wehelinaaya Taliyaha Guud Ee Ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Saaxil & saraakiil Wasaaradda Caddaaladda ka tirsan, Taliyaha Xabsiga Dhexe Madheera ayaa Masuuliyiinka wasiirku hoggaaminaayey siiyey Warbixinta Guud ee Xabsiga, isagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin kormeerka wasiirku ugu yimid, Wasiir-ka Ayaa Kormeerka indho indhaynta kusoo maray dhamaan maxaabiista xabsigaa kujirtay mid midna u waraystay xalada ay ku sugan yihiin Darsayna Xaladooda. Wasiir Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hawlwadeennada xabsiga iyo guud ahaantood Ciidanka Asluubta JSL uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay ula dhaqmaan maxaabiista, waxaannu ballanqaaday in ay dawlad ahaan lagu dedaali doono horumarinta xabsiyadda iyo Ciidanka Asluubta, diyaarna ay u yihiin xalinta caqabadaha ka jira xabsiyadda. Wasiirka iyo masuuliyiinta la socotay waxa ay warraysteen maxaabiista Xabsiga ku jirta, iyagoo sidoo kalena si toos ah u darsay xaaladsa maxaabiista xabsiga ku jirtaa ku nool yihiin. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|