Warbixinta Kormeerka Agaasimaha Guud Ee W.I.T Uu Ku Tagay Qaar Ka Mid Ah Gobolladda Dalka JSL. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixinta Kormeerka Agaasimaha Guud Ee W.I.T Uu Ku Tagay Qaar Ka Mid Ah Gobolladda Dalka JSL.
February 14, 2025 - Written by Editor:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Carab Muuse, ayaa safar shaqo ku tagay gobolada Togdheer, Saaxil, Gabiley, iyo Awdal, muddo laba todobaad ah. Ujeeddada safarka ayaa ahayd in la kormeero iyo inla xoojiyo howlaha wasaaradda ee gobolada, iyo sidii loo hirgelin lahaa dagalka guud ee dawladaha hoose (E-local government portal) oo ay dhismihiisa iska kaashadeen wasaarada iyo hay’ada UN-HABITAT.

KULAMO IYO WADA HADALO

Safarka ayaa ka bilaabmay gobolada Togdheer, Saaxil, Gabiley, iyo Awdal, halkaas oo Agaasimaha Guud uu kulamo muhiim ah la qaatay Badhasaabada gobolada iyo shaqaalaha wasaaradda ee ku sugan goboladaas. Kulamadaas waxaa lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa howlaha wasaaradda, gaar ahaan isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyada, iyo sida ay uga qayb qaadan lahaayeen hirgelinta mashruucyada wasaaradda.

KORMEERKA HIRGALINTA WEB PORTAL-KA (DAGALKA)

Waxaa kaloo safarku uu ku saabsanaa kormeerka web portal-ka loogu talagalay dawladaha hoose, oo ay wasaaraddu u sameysay iyada oo la kaashanayso hay’ada UN-HABITAT. Agaasimaha Guud iyo agaasime waaxeedyada la socday ayaa kormeer ku sameeyay dagmooyinka Burco, Berbera, Gabiley, iyo Boorama si ay u ogaadaan sida ay u shaqeynayo web portal-ka iyo sida loo xoojin karo isticmaalkiisa si loo horumariyo adeegyada ay bixiyaan dawladaha hoose iyaga oo dadwaynu ku heli kara adeegyadaa hab online ah.

KULAMADA MAAYIRADDA IYO XUBNAHA GOLAHA DEEGAANKA

Waftida uu hogaaminayay agaasimaha guud ayaa kulamo la yeeshay maayiraadda iyo xubnaha golaha deegaanka ee dagmooyinka Burco, Berbera, Gabiley, iyo Boorama. Kulamadaas waxaa loga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta adeegisaga tiknolajiyada si loola jaan qaado xawaaraha ay ku socoto tiknolajiyada is la mar ahaantaana si dhamaystiran loo hirgaliyo Software-da ay wasaardu u diyaarisay dawladaha hoose si ay u cariyeeyaan adeegyada ay bixiyaan. Waxa xusid mudan in ay aad u soo dhaweeyeen mayiradu dedaalka ay ku jirto wasaarad isla mar ahaantaana ay balan qadeen inay ku shaqayn donaan Software-da iyo qalabka ay wasaardu ku wareejisay  dawladaha hoose.

GABAGABO

Safarka Agaasimaha Guud waxaa uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday, oo si weyn uga qayb qaadana horumarinta howlaha qaranka iyo sidii loo hirgelin lahaa adeegyo ku dhisan tiknolaji. Kulamada waftigu la qaatay masuuliyiinta gobolada iyo dawladaha hoose waxay muujinayaan sida ay u muhiim u tahay iskaashiga ka dhexeeya wasaaradda iyo maamulka gobolada si loo gaadho horumar wanaagsan oo bulsho. Waxaa kaloo la xaqiijiyay in web portal-ka loogu talagalay dawladaha hoose uu yahay mid muhiim ah oo lagu horumarin karo maamulka iyo adeegsida tiknolajiyada, isla markaana ay u baahan tahay in la sii xoojiyo isticmaalkiisa.

COMMENTS
LINKS