Warbaahin Caalamiya Oo Warbixin Dheer Ka Qortay Deganaanshaha Iyo Dimuqraadiya Somaliland, Tilmaamtayna In Ay Istaahisho Aqoonsi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbaahin Caalamiya Oo Warbixin Dheer Ka Qortay Deganaanshaha Iyo Dimuqraadiya Somaliland, Tilmaamtayna In Ay Istaahisho Aqoonsi!
February 22, 2025 - Written by Editor:

Warbaahinta International Digest ee dalka Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray deganaanshaha, dimuqraaddiyadda iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay tilmaameen inay istaahisho in loo aqoonsado dal madax bannaan.

Warbixinta International Digest oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa ciwaan looga dhigay ‘Maxay Somaliland ugu qalantaa aqoonsi’, waxana ay sheegeen in ay gobolka geeska Afrika kaga duwan tahay deganaanshaha, dimuqraaddiyadda iyo inay waddanka xukunto dawlad si dimuqraadi ah lagu soo doortay.

Warsiduhu wuxuu sheegay in aqoonsi la’aanta Somaliland tahay caddaalad darro ay samaysay beesha caalamka, loona baahan yahay in la saxo.

International Digest waxa uu warbixintiisa ku sheegay inay wax lala yaabo tahay in Soomaaliya oo xasuuqday shacbiga Somaliland dabo-yaaqadii siddeetameeyadii, ay haddana ku andacooto inay fagaareyaasha caalamiga ah ku metasho Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintu waxa ay xustay in beesha caalamka looga baahan yahay inay saxaan gefka ku dhacay shacbiga Somaliland, iyadoo Soomaaliya ay weli sii sheegato madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Warsiduhu wuxuu ku dooday in Somaliland ay si iskeed ah ula midowday Soomaaliya sannadkii 19960kii, islamarkaana xeerarka iyo heshiisyada qarammada midoobay ay jidaynayaan in shacbiga Somaliland go’aamiyaan ‘xaqa aayo-ka-tashigooda’.

Warbixinta International Digest  waxa ay isbar-bar dhigtay dawladnimada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay xustay in Soomaaliya ay ku tiirsan tahay qaadhaan shisheeye, halka Somaliland 34 sannadood ay isbixisay dhaqaale ahaan isla markaana ay dalkeeda oo dhan ka wada taliso. Waxaanay caddeeyeen in Somaliland ay caalamka u soo bandhigtay in dawladnimadeedu ay gaadhay isku filnaansho dhaqaale oo ay ku maamulato dawladnimadooda.

COMMENTS
LINKS