War Murtiyeed kasoo Baxay Shirwaynihii Qaran Ee Beeralayda Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Murtiyeed kasoo Baxay Shirwaynihii Qaran Ee Beeralayda Somaliland!
February 28, 2025 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) – Shir-waynaha Beeralayda JSL  oo qabsoomay February 26 – 27 2025, kana soo qayb galay Madaxweynah JSL, Madaxda Wasaaradda,  Waasiirro, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, Khubaro kala duwan, Jamaacadaha Dalka, Ganacsatada iyo Beeralayda Gobollada Dalka ee kala duwan.

Shirkaas waxaa lagaga wada-hadlay caqabada haysata wax soo-saarka.

Shirka waxaa ka soo baxay war-murtiyeedkan hoose ku xusan.

  1. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la fuliyo dardaarankii Madaxweynaha JSL Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ahayd xoojinta wax soo-saarka dalka, iyada oo la raacayo qorshayaasha Qaran ee NDP3, laguna mataanaynayo Barnaamij-siyaasadeedka xukuumadda ‘Wadajir iyo Waxqabad’ lana sameeyo qorshayaal qaran oo ku wajahan la qabsiga isbeddelka cimilada ee dhinaca wax soo saarka Beeraha.
  2. Xoojinta iskaashashiga ka dhexeeya Beeralayda iyo dhamaan daneeyayasha wax soo saarka.
  3. Shirwaynahu wuxuu soo jeedinayaa in la sameeyo deraasado ku saabsan dhulka ku habboon wax beerista.
  4. Shirku wuxuu soo jeedinayaa in la diyaariyo siyaasadda maalgashiga ee beeralayda, kaas oo mustaqbalka keeni doona in la abuuro bangiga horumarinta beeraha.
  5. Waa in la adkeeyaa joogtaynta iyo maamulidda dhaqaalaynta ciidda iyo biyaha.
  6. Dajinta siyaasadda iyo qorshayaasha badbaadinta, si loola dagaalamo cudurrada iyo cayayaanka beeraha.
  7. Dhiirigalinta fursadaha maalgashi ee dhinaca beeraha.
  8. In kor loo qaado wacyiga beeralayda ee ku aaddan wax soo-saarka beeraha.
  9. In la xoojiyo isku xidhka wax soo-saarka beeralayda iyo suuqyada, lagana taageero wax kasta oo caqabad ku ah suuqa beeralayda..”

 

COMMENTS
LINKS