Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Nuxurka Khudbadii Uu ka Jeediyey Shir-weynaha Dawladaha Adduunka Ee Sanadka 2025 .
February 11, 2025 - Written by Editor:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo waftigii uu hogaaminaayey ayaa ka qeyb galay Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadka 2025, oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 6,000 oo qof ka jeediyey khudbad dheer, su’aalo badana kaga jawaa.