|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne kuxigeenka Jsl Shacabka Reer Ceerigaabo la Tukaday Salaadii Jimce Iyo Dardaaranka Uu UJeediyay
February 28, 2025 - Written by Editor:Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo taliyaha Ciidanka Qaranka JSL oo ay wehelinayeen badhasaabka Sanaag iyo Maayar ku-xigeenka Ceerigaabo ayaa maanta wakhti la qaatay oo la shaaheeyey lana sheekaystay dad weynaha ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo ay iska xog-waraysteen xaaladaha Degmada iyo sidii looga shaqayn lahaa nabada iyo horumarka Ceerigaabo.
Dhanka kalena Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo taliyaha Ciidanka Qaranka JSL oo ay weheliyeen masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda ayaa salaadii Jimcaha Masjid Jaamaaca Ceerigaabo kula tukaday Bulshada ku dhaqan xarunta Gobolka Sanaag Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa khudbad kooban salaadii Jimcaha kadib u jeediyey Bulshada ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo ,ayaa oo si weyn ugu dheerada mihiimada ay nabadu u leedahay aadamaha iyo sida ay Xukuumadda WADAJIR iyo WAX-BAD uga go’an tahay hirgelinta mashaariic waa weyn oo horumarineed oo ay ka hirgelinayso Gobolka Sanaag. Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa shacabka gobolka Sanaag ka codsaday inay kala shaqeeyaan nabada iyo qorshayaasha horumarineed ee Magaalada Ceerigaabo. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Related posts:Shirkii Golaha Wasiirrada Jsl Oo Lagaga Hadlay Doorashooyinka Iyo Dooddii Aqoonsiga Somaliland Ee Ba... Prof Cali Khaliif Iyo Axmed I, Samatar Oo Loo Ogolaaday In Ay Dood Kale Ku Qabtaan Boorama Iyo Wakh... "Maalin Walba Intaas Oo Arday Baa Qalin Jabinaysa Madaxweynuhuna U Khudbadaynayaa, Madaxweynuhu Wuxu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|