Madaxwaynaha Jsl Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Madxawaynihii Ee Somaliland Daahir Riyaale! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Madxawaynihii Ee Somaliland Daahir Riyaale!
February 23, 2025 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynihii 3-aad ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Kulankan ayaa ahaa mid ay ku dheehan tahay is-qaddarin, niyad-sami iyo laab-furnaan, iyada oo labada Mas’uul ay si weyn uga wada hadleen geedi-socodka Jamhuuriyadda Somaliland ee xagga nabadda, xasilloonida, horumarka, dowladnimada iyo dimuqraadiyadda.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin si mug leh ugaga mahad naqay doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu ku lahaa taabba-gelinta hannaanka Dawladnimo iyo doorashooyinka ee aynu haatan ku naaloonayno, xag nabad-gelyo, xag horumar iyo xagga Dimuqraadiyaddaba.

Kulanka dhex maray labada Madaxweyne ayaa waxa uu caddayn u yahay ka wada shaqaynta arrimaha mudnaanta u leh mustaqbalka Qaranka JSL iyo midnimada ummadeena.

Kulanka dhex maray labada Madaxweyne ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqayaa sida ay madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee shalay iyo kuwa maanta ay mar walba ugu heellan yihiin dhismaha Qaran barwaaqo ah oo dheeftiisa loo wada dhan yahay, iyada oo la ixtiraamayo waxna laga baranayo dhaxalkii ay ka tageen hoggaankii hore ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

COMMENTS
LINKS