|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Magacaabay Gudi Heer Qaran ah Oo Qiimaynta Khasaaraha iyo taakulada Dabkii Suuqa Idaacadda
February 6, 2025 - Written by Editor:๐๐ฃ๐๐๐๐๐จ: ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ข๐๐๐ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ซ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐ข๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ก๐ & ๐๐๐๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐๐ค๐ข๐ข ๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐. Sida aad ka warqabtaan, waxa jirta in Masiibada Dabku ay innagu soo noq-noqoto baryahan dambe, dabkaasi oo inta badan ka dhaca Goobaha ganacsiga, masiibadaa dabkuna waxa ay khasaare ballaadhan u gaysataa hantida dadka shacabka ah, nafta aadamaha iyo sida oo kale dhaqaalaha dalka guud ahaan. Masiibada Dabku waxa kale oo uu ka dhacaa goobaha degsiimooyinka ah ee ay ku nool yihiin dadka danyarta ahi, isaga oo sababa in ay ku gubtaan guryo badan oo ay ku noolaayeen dad danyar ahi, sida oo kale-na ay ku nafwaayaan dad shacab ahi. Hadaba anniga oo maanka ku haya masโuuliyadda Xukuumadda ka saaran daryeelka iyo gurmad u fidinta dadkii ganacsatada ahaa ee ku xoolo waayay dabkii ka dhacay Suuqa Idaacadda ee Magaalada Hargeysa, sida oo kale-na yaqiinsan masuuliyadda Xukuumadda ka saaran xal u helidda masiibada dabka ee baryahan dambe innagu soo noq-noqata, waxa aan idiin magacaabay inaad noqotaan Guddida heer Qaran ee Qiimeynta Khasaaraha iyo Taakulada dabkii Suuqa Idaacadda oo u xilsaaran hawlaha kala ah:
๐๐๐๐-๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐๐ ๐๐๐๐ซ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐ข๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐ค๐ก๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ก๐ & ๐ญ๐๐๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐๐ค๐ข๐ข ๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐:
Hadaba waxa aan idin farayaa in aad hawshaasi u gudataan si mug iyo miisaan leh. Waxaa kale oo aan farayaa Hayโadaha kale ee Dawladda, Gaanacsatada iyo qeybaha kale ee bulshadu inay la shaqeeyaan Guddigan heer qaran, kana gacan siiyaan hawlaha ay idiinka baahdaan; ๐๐ฅ๐ฅ๐๐ ๐๐๐ก๐๐ ๐๐๐ก ______________ ๐๐๐๐๐ข๐ซ๐๐ฑ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข (๐๐ข๐ซ๐ซ๐จ) ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |