|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Wafti ka socda Dawlada Turkiga Iyo Arimaha Ay ka wada Hadleen!
February 16, 2025 - Written by Editor:๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ ๐ฎ ๐๐๐๐ก๐ข๐ฒ๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ & ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland & Soomaaliya Danjire ๐๐ฅ๐ฉ๐๐ซ ๐๐ค๐ญ๐ล iyo wefti uu hoggaaminayay, iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh labada dhinac, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Turkiga. Ugu horrayn, Danjiraha Turkigu waxa uu Madaxweynaha JSL ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada, isaga oo qiray bisaylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen xilka Qaranka, arrintaasi oo uu Danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, Shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badana ay mutaysteen in lagu hambalyeeyo guusha ay gaadheen.
Kulankan waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, ka wada shaqaynta arrimaha biniโaadannimada. Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha Turkiga u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u danaynayso in Dawladda Turkigu ay la yeelato Somalilandย xidhiidh toos ah, wanaagsan oo dhinacyo badan leh. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |