|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha jsl Oo Ka Hadlay Taageerada Ay Somaliland ka hesho Dawlada Emaaraadka Carabta
February 14, 2025 - Written by Editor:Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somalilnad mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi cirro ayaa tilmaan ka bixiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee ay dawladda Imaaraadka carabtu la barbar taagan tahay Somaliland. Waxaanu geesta kale, hoosta ka xarriiqay inuu ku talo jiro inuu sii kobciyo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacayada dhaqaalaha iyo horumarka kala duwan ee labada dal. Madaxweyne cirro ayaa sidan sheegay mar uu u warramayay wakaaladda wararka ee WAM ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta oo uu kaga qayb galay shirka dawladaha adduunka ee 2025, waxaanu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee maalgashiga Imaaraadka, gaar ahaan DP world oo door xooggan ka qaadatay xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha iyada oo dekedda Berberina isku bedeshay xarun ganacsi oo Istaraatiji ah oo Somaliland ku xidhaysa dalalka dariska ah. Madaxweynaha ayaa maalgashiga DP world ee dekedda Berbera ku macneeyay inuu dhaafsiisan yahay horumarka dekedda oo kaliya isla markaana uu gaadhay in la sameeyo Berbera Freezone ama aagga xorta ah ee ganacsiga iyo waliba waddo ganacsiyeedka Berbera ku xidhaysa Itoobiya, kuwaasoo kor u qaaday xidhiidhka dhaqaale ee u dhexeeya Somaliland iyo dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay, oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 134 milyan oo qof . Arrintan ayaa Berbera ka dhigtay xudunta ganacsiga gobolka, gaar ahaan waxa ay kaalin weyn ka qaadatay kor u qaadista gaadiidka isaga gudba xuduudaha. Dhinaca Cusbitaallada Berbera iyo Burco ee Imaaraadka carabtu maalgaliyay, waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyay in hirgalinta Cusbitaalladani ay wax badan ka tari doonaan adeegyada caafimaad ay helaan bulshada reer Somaliland. Geesta kale madaxweyne cirro ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Imaaraadka in Somaliland haddii loo maalgaliyo khayraadka xoolaha nool ay dalalka Khaliijka iyo guud ahaan gobolkaba u dhoofin karto hilibka, iyada oo xoolaha Somaliland jooga lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 40 illa a50 milyan isla markaana ay sannad walba xilliga xajka u dhoofisaa Sucuudiga ku dhawaad 4 milyan oo neef. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|