Madaxwaynaha Jsl Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Wadadda Baligubadle Oo Uu Balanqaaday Wakhtigii Uu Jiray Ololaha Doorashada!
February 9, 2025 - Written by Editor:
Baligubadle – 09-02-2025-( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay bilowga jidka isku xidhi doona Baligubadle – Hargeysa .
Madaxweynaha iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey ayaa Magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd kaga qeyb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyey daah-furka Waddadaas .