|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Booqday Suuqa Idaacada Oo Habeenkii Xalay Dab ka Kacay Uu Sobobay Khasaare Hantiyeed.
February 3, 2025 - Written by Editor:๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐๐ฒ ๐ช๐๐ฒ๐๐จ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก ๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐๐จ๐๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ) ๐จ๐จ ๐ฑ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ ๐ฎ๐๐ญ๐๐ฒ Hargeysa: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa booqday soona kormeeray khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday suuqa ganacsiga ee gobonnimada, qaybtiisa idaacadda.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, maayar-ku-xigeenka caasimadda, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda karirsan, ayaa indhihiisa kusoo arkay dhibaatada uu dabkaasi gaadhsiyey hantidii goobahaas taallay, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiyaa si buuxda u garab taagan tahay dadkii dhibku gaadhay.
Ugu horrayn, madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha ku dhacay dadkii halkaas ku ganacsanayey, isaga oo u duceeyey, Eebbena uga baryey inuu ciwad khayr qaba ka siiyo, waxana uu yidhi, โWaxa aan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa ganacsatada suuqa Gobonnimo, khasaaraha iyo dhibta soo gaadhayna qaranku wuu la qaybsanayaa, wuuna ka xun yahay, waxana aan Ilaahay uga. Baryayaa inuu wax khayr qaba ugu. Beddelo.โ Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay gacan siiyaan dadka khasaaruhu gaadhay, kana qayb qaataan qaadhaanka dadkaas loo ururin doono, isaga oo xusay talo qaran laga yeesho sidii looga hortegi lahaa dabka soo noqnoqda ee khasaaraha ku haya bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland. Ugu dambayntii, madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhibka dhacay loo saaray guddi farsamo, kuwaas oo soo dersi doona talana ka keeni doona sidii looga soo kaban lahaa khasaaraha dhacay.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |