Ciidamada Dab damiska Oo ku Guulaystay soo Saaray Maydka Laba Nin Oo Bulaacadi Ku Duntay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Dab damiska Oo ku Guulaystay soo Saaray Maydka Laba Nin Oo Bulaacadi Ku Duntay
February 11, 2025 - Written by Editor:

Alle Haw naxariistee laba nin oo Ajaaniba u dhashay waddanka Itoobiya ayaa ku dhintay Bullaacad ku taala meherad ku taala xaafada Jigjiga yar.

Hawlgal qaatay 16 Saacadood ayaa Ciidamada Dabdemiska iyo Samatabixinta JSL ku soo saareen Maydkii labadaa Marxuum. Hawlgalkan ayaa naftood hurayaasha ciidanku ku jireen ilaa waabarigii subaxnimadii saaka, waxaana ay bulaacadu ahayd mid cidhiidhi ah oo ay adagtay in si fudud samatabixyaasha ciidanku ula gaalan haamaha neefsiga ee loo yaqaano [ Breathing Apparatus]. Cagafta ayaa iyaduna kaalin weyn ka qaadatay hawlgalkan.

Dadka bulaacadaha ku dhimanaya ayaa soo badanaya, waxaana halkan ciidanku ku wargelinayaa bulshada inaan habeenkii iyo Maalintiiba laga shaqayn karin bulaacadaha iyada oo aan la haysan amar ( Work Permit) dawladaha hoose, sidoo kale laga hubin doono shaqada.

Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac 990 shirkadaha Telesom/Somtel/Soltelco.

Allaa Mahad leh

COMMENTS
LINKS