|
|||||
WAJAALE NEWS
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐-๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ก๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐
February 2, 2025 - Written by Editor:Hargeysa – 02-02-2025-(W,N )- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta furay kulan-howleedย ย loo qabtey dhamaan Agaasimayaashii guud ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Kulankan, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii Agaasimayaasha guud iyo Hay’adda shaqaalaha dowladdu islula falanqayn lahayeen Xeerka shaqaalaha Dowladda, Nidaamka Keyd ee Xogta Shaqaalaha dawladda,ย Qaab-dhismeedyada iyo Qeexidda shaqaalaha dowladda, nidaamka cashuuraha iyo xisaabaadka ee Dowladda . Ugu horreyn, kulankan waxaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame oo sharraxay muhiimadda kulanka iyo waxyaabaha muhiimka ah ee la doonayo inay kasoo baxaan dhammaadkiisa. Madaxweyne-ku-xigeenka JSLย Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo madasha furitaanka kulan hawleedkan hadalloย kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay in Agaasimayaasha guud yihiin halbowlaha shaqada dowladda, islamarkaana ay yihiin tiir-dhexaadka xidhiidhiya Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka, Wasiiru-dowlaha ama Guddoomiyaha Hay’adda iyo dhamaan shaqaalaha ka hooseeya. Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa ku dardaaray Agaasimayaasha guud in ay masuuliyadaas u gutaan sida ugu hufan, ugu daah-furan uguna wanaagsan si muwaadiniintu u helaan adeeg hufan, waxana uu ugu duceeyey in Eebbe u fududeeyo hawsha culus ee sugaysa, kuna garab galo. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |