๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ I๐ฒ๐จ W๐š๐Ÿ๐ญ๐ขgii Uu H๐จ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ Oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ I๐ฒ๐จ W๐š๐Ÿ๐ญ๐ขgii Uu H๐จ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ Oo Gaadhay Magaalada Ceerigaabo.
February 24, 2025 - Written by Editor:

CEERIGAABO(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafti ballaadhan oo u hoggaaminaayo oo ay mid yihiin Wasiirka Gaashandhigga , Wasiirka Gadiidka, Wasiirul Dawlaha Arimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Maalgashiga, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyoย  Xildhibaano ayaa socdaal shaqo ku gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

Waftiganย  ayaa soo dhawayn loogu sameeyey Deegaanada u dhaxeeya Berbera ilaa Ceerigaabo iyaga oo waftigu galabtaย  casarkii gaadhay magaalada Ceerigaabo.

Ugu horreynย  Cuqaasha, waxvgaradka Gobolka Sanaagย  oo soo dhaweeyey waftiga ayaaย  sheegay in ay si bilaa shuruud ah waftiga kala shaqaynayaan doonaan hawlaha ay u socdaan.

Badhasaabka Gobolka Sanaag iyo Maayir kuxigeenka Ceerigaabo oo iyagunaย  waftiga ku soo dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo madasha ka hadley ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda cusub ay diyaar u tahay in ay bulshadeeda dhageysato isla markaana kala shaqayso arrimaha horumarinta Bulshada.

Ugu Dambeyntiiย  Madaxweyne ku xigeenka JSL Md.Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay ujeeddada socdaalkooda oo u ku sifeeyey sidii nabada Ceerigaabo looga wada shaqayn lahaa iyo Qaramaynta Ciidanka Madaniga ah.

COMMENTS
LINKS
       
       
       
      ๏ปฟ