|
|||||
WAJAALE NEWS
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐥𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚.
February 26, 2025 - Written by Editor:Hargeysa,(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa daah-furay Shirka Beeralayda Somaliland oo lagaga tashanayey kaalinta lama illaawaanka ah ee ay beeruhu kaga jiraan hormarka iyo dhaqaalaha. Shirkani wuxuu ahaa mid beeralayda lagu dhiirrigelinayey in ay kordhiyaan.
wax soo saarkooda, si looga maarmo ku-tiirsanaanta cuntada dibedda la inooga soo waarido. Shirkan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Horumarinta Beeraha, ayuu Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad qiimo badan oo salka ku haysa muhiimadda uu wax soo saarka guduhu u leeyahay horumarka dalkeena, waxana uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay dejinayso qorsheyaal Qaran oo kor loogu qaadayo wax soo saarka dalaga beeraha ee dalkeena, waxana uu yidhi:
“Waxa Xukuumadu dejinaysaa qorshaha horumarinta beeraha iyo xoojinta wax-soo-saarkooda. Waxa Xukuumadda u qorsheysan in la sameeyo Dugsiyo Sare oo Cilmiga beeraha lagu barto iyo in beerlayada la siiyo tababarro kor loogu qaadayo aqoonta wax beerista casriga ah, la dagaalanka cayayaanka, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka si wax soo saarkooda suuqyada gudaha u geyn karaan.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ugu baaqay in ay maalgashadaan beeraha, si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha, waxana uu yidhi: “Fursado waaweyn ayaa ka bannaan maalgashiga beeraha Somaliland, waxa aannu dhiirrigelinaynaa in ganacsatada ay maalgashato beeraha iyo warshadaha lagu farsameeyo dalagga beeraha. Sida oo kale waxa aannu soo dhaweynaynaa maalgashiga dibadda ee beeraha.“ 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝d COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|