|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Gavin Williamson Oo ka tirsan Baarlamaanka UK, Ayaa Sheegay In La Joogo Xilligii Ingiriisku Aqoonsan Lahaa Jamhuuriyadda Somaliland.
January 3, 2025 - Written by Editor:Siday werisay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, Xildhibaan Gavin Williamson oo safka hore kaga jira saaxiibbada Somaliland, ayaa sheegay inuu kulan balladhan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wasiirkiisa madaxtooyada Khadar Xuseen Cabdi. Xildhibaanku wuxuu xusay in xilligani uu yahay wakhtigii dawladda UK ay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsan lahayd dal madax bannaan. Gavin Williamson oo horena u ahaan jiray Xoghayihii Gaashaan-dhiga Ingiriuska wuxuu muddo laba jeer ah baarlamaanka Ingiriiska horgeeyay soojeedimo la xidhiidha aqoonsiga qaddiyadda Somaliland. Gavin Williamson waxa kaloo ka mid yahay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka UK oo ka soo wada jeeda dhammaan xisbiyada dalkaas, kuwaasi oo si weyn u taageera qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|