Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dalka Taiwan Ufadhiya Jsl | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dalka Taiwan Ufadhiya Jsl
January 2, 2025 - Written by Editor:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan bakaal ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dawlada Taiwan u joogga Jamhuuriyadda Somaliland, kulanka ayaa ahaa mid isbarasho iyo sidii loo sii joogtayn lahaa xidhiidhka labada wadan iyo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee dawladda taywaan ay ka wado JSL.

Kulanka waxa wasiirka ku weheliyey, Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ujoogga wadanka Taiwan, Ambassador Maxamed Xaaji iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Taiwan ay ku leedahay JSL.

COMMENTS
LINKS