|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkii Golaha Wasiiradda Jsl Iyo Nuxurka Qodobadda Kasoo Baxay!
January 2, 2025 - Written by Editor:Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Ee Galabta iyo Arrimihii lagaga Wadda Hadlay. Hargeysa-(W,N)-Fadhigii 004aad ee shirka golaha wasiirrada ee xukuumadda wada-jir iyo wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa lagaga hadley arrimo mihiim u ah danaha Qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu waxuu golaha wasiirrada ka dhegaystay war bixino kala duwan oo mihiim u ah danaha Qaranka Somaliland, kuwaas oo lahaa xag amni, xag dhaqaale, xag arrimo bulsho iyo dhoofka xoolaha nool oo ah laf dhabarta dhaqaalaheena.
Ugu horeyn Wasiirka amniga gudaha ayaa golaha war bixin ka siiyey xaalada guud ee dalka waxaana uu sheegay in amniga dalku sugan yahay. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa isaguna golaha uga xog waramay xaalada guud ee dhaqaalaha dalka iyo sidii loo dardar-galin lahaa cashuuraha iyo dhakhli ururinta. Wasiirku sheegay inay xukuumad ahaan loo baahan yahay inay isku tashano, guntigana giijino. Dhanka kale wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in la samaynaayo guddi isku dhaf ah oo ka kooban wasaaradiisa iyo baanka Jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga soo talo bixiyaan xaalad guud ee dhaqaalaha dalku halka uu maraayo iyo sidii loo xakameyn lahaa sicir-bararka iyo sarif bararka. Geestiisa isaguna waxaa golaha war-bixin siiyey wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reermiiga , waxaana uu ka xog waramay dhaq-dhaqaaqyada dhoofka xoolaha iyo caqabadaha hor taagan ee u baahan in wax laga qabto, isaga oo hoosta ka xariiqay in xooluhu yihiin laf dhabarta dhaqaalaha dalka. Wasiirku wuxuu sidoo kale golaha la wadaagay in sanadkii ina dhaafay tirada xoolaha dalka ka dhoofay ay yihiin 3,718,966 neef oo isku jira Adhi, Lo iyo Geel. Wasiirka Caafimaadka ayaa dhinaciisa golaha war-bixin ka siiyey xaalada guud ee caafimaadka dalka, waxaana uu sheegay inay wasaaradiisu iyada oo ka duuleysa wajibaadkeeda Qaran ay ku hawlan tahay bixinta adeegyada caafimaadka iyo ka jawaabista xaaladaha deg-deg ah, haddii ay noqoto xag daawo, xag gaadiid iyo xag shaqaale-ba. Waxaa isaguna golaha war-bixin kooban golaha siiyey Wasiirka wasaarada Madaxtooyada oo golaha uga xog waramay qorshaha 100 maalmood ee xukuumada Wada-jir iyo wax-qabad u qorshaysan, iyada oo la iswaafajinaayo qorshaha horumarinta iyo lixda tiir ee Barnaamij siyaasadeedka xisbiga, waxaana uu sheegay in xukuumadda ay bulshadu uga fadhido wax qabad muuqda oo sameyn ku leh nolosha bulshadeena. Ugu danbeyntii madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa golaha wasiirrada faray si la isku waafajiyo balanqaadyadii xukuumada iyo barnaamij siyaasadeedka xisbiga in wasiir kastaana muddo 15 cisho ah ku soo diyaariyo war-bixin guud oo la xidhiidha wasaaradiisa wixii mashaariic socda, u qorshaysan, cida maalgalisa iyo faa’iidada mashaariicdaasi u leeyihiin baahiyaha bulshadeena. ALLAA MAHA DLEH Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxweynaha JSL COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|