Maktabada Gabiley Iyo Dhigeeda Dalka Jabuuti Oo Kala Sexeexday Heshiis Iskaashi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maktabada Gabiley Iyo Dhigeeda Dalka Jabuuti Oo Kala Sexeexday Heshiis Iskaashi!
January 3, 2025 - Written by Editor:

Heshiis iskaashi ayaa dhex maray Maktabadda Qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Maktabadda Qaranka Gabiley ee Somaliland, heshiiskan oo masuuliyiin ka socota labada maktabadood kala saxeexdeen ayaa waxaa uu ku sahabsanaaa heshiis iskaashi iyo wada shaqayn oo dhexa mara Maktabadda  Jabuuti iyo Gabiley

heshiiskan oo qodabadiisa ugu muhiimsan ay ka mid ahaayeen in ay iska kaashadaan: khibrad-wadaag   iyo hannnanka loo maamulo   Maktabaddaha  sida buuggagta, xoojinta iyo kor u qaadida xirfada shaqaalaha ka shaqeeya Maktabadda  iyadoo loo siinayo tabbaroo iyo aqoon is waydaarsiyo.

dhiirri galinta is dhaafsiga dhaqanka iyo faafinta dhaqan iyo suugaanta labbada waddan.

sidoo kale waxa  Library-ga Jabuuti iyo Maktabadda Gabiley isla meel dhigeen in ay si wada jira u qabtaan arrimaha dhaqanka sida bandhigayda, shirarka, iyo munaasibadaha ku sahabsan dhaqanka  in ay is waydaarsadaan daabacadaha muhiimka ah,

heshiiskan dhex maraya labada maktabadood waxa uu socon doonaa muddo laba sanno ah ayadoo la cusbanaysiin karo haddii loo baahdo. heshiiska ayaa waxa qallinka ku duugay. madaxa waxaadka   Library qaranka ee jamhuuriyadda jabuuti Cilmi Maxamed Faarax iyo Mustafe Muxumed Xasan oo ah agaasimaha maktabadda qaranka ee Gabiley. Heshiiskan waxa goob jooga ahaa Agaasimaha Guud ee wakaaladda horumarinta Dhaqanka Jabuuti Mudane Maxamed Xuseem Ducaale oo ay hoos timaado Maktabadda Qaranka Jabuuti.

COMMENTS
LINKS