|
|||||
WAJAALE NEWS
Isbadellka Geeska, Caqabadihiisa, Collaadihiisa & Cibbaarooyinka Ku Duuggani Uma Baahna Caadifad!
January 3, 2025 - Written by Editor:Sannadihii ugu danbeeyey waxa isbaddel weyni ku yimidey siyaasada iyo amniga Geeska Afrika. Hogaamiyayaasha cusub ayaa keenay dib u habeynta iyo isbahaysiga siyaasadeed ee gobalka oo dhan. Dagaallada degaanka ayaa sababay dhimashada kumanaan rayd ah iyo barakaca kumanaan kale. Malaayiin qof ayaa wajahaya cunto yari ba’an oo ka jirta guud ahaan gobalka. Weerrarada ay xuutiyiinta Yemen ku qaadeen maraakiibta isaga kala gooshta marin-biyoodka Bab-al-mandab ayaa sidoo kale diirada saaray badda cas oo ah goob istaraatiijiyadeed. Isbaddelada la taaban karo ee sanadihii ugu dambeeyey tan iyo 2018-kii waxa isbaddel weyni ku yimid guud ahaan gobalka khaasatan waddamada Ethiopia, Sudan, Somalilia, Somaliland iyo Djabouti oo yaalla barraha ugu muhiimsan, Wadanka Djabouti oo kale waxa uu ka qayb ahaa curashada Geeska cusub, Dhinaca Xiisada hada taagan ee ay sababeen Xuutiyiinta yemen ayay marti-galisay ciidamado shisheeye oo badan. Mareykan, Shiinaha, iyo Faransiiska dhamaantood waxay sal-dhigyo ciidan ku leeyihiin dalkan yar, Iyadoo ciidamo ay joogaan , Eritrea oo uu hoggaamiyo Isaias Afwerki oo ka mid ah madaxda dalalkooda inta badan ka tallinayey ayaa dhawaasho lama filaana la yeeshay wadanka Ethiopia sannadkii 2018-kii, Waxyaabaha laga xasuusto waxa ka mid ah dagaalkii waqooyiga itoobiya ee Tigreyga oo Afawerki dhinaca saarey xagasha Abiy Ahmed, Oo xuduudna waddaaga. Ethiopia oo geesta kale ciyaartay door baddalasho dibloomaasiyadeed oo Eriteria ah sida ka wada xaallidii iyo siintii dhulkii ay isu murransanaayeen, Yagoo ku go’aan qaatay wada noollaasho , tannaasul danneed iyo damiir-san in geeska ay ku wada daganaadaan. Soomaalliya ayaa ah dawllada ugu liidatada ee Soddomeeyo sanno la daalaa-dhacaysa kuna jirta diif iyo dallan-baabi araga-gixisenimo, Isla markaasina ay tahli kari waayeen iney sameeyaan dib-u-heshiisiin iyo door-u-curasho dawlladnimo hana-qaada, Taa baddalkeeda waxay nasiib u heleen in ciidamo fara-badan oo afrikaan ahi (Atmis) ay u joogaan nabbad illaalin iyo xasilooni, Wadankan oo ugu taag-daran wallina aan hellin dawllad sax ah, ayaa ka shaqeeya xasarad iyo wanjalka baddiba Gobalka waddamadiisa yagoo sidii duufaantii ama dabbaylihii kolba gidaar ku dhaca, Inkastooy arrin xumo meel dhigtay haddana itaalkii weynaa ee Quruumaha Midoobey iyo Midawga Afrika siiyeen doorka illaalinta iyo dib-u-habaynta walli cagihiisa ayuu isku taagi kari laayahay. Dar-xumo ma daysee yadna Somaliland ayay dallacka haystaa oo ku taalla Cirriqa ugu muhiimsan isla gobalka waa Gacanka Cadmeed (Gulf Of Aden), Kani oo isu-xidha Bab-al-mandab , Red Sea iyo Bad-weynta Hindiya, Marrinkani waxa uu lee yahay istaraatijiyad isu-xidha dunnida inteeda badan, Haddaba dawllada guul-dareystay ee Soomaalliya ayaa dusha ka sheegata cirriqan iyo carradan ay kala taariikhda yihiin ee Somaliland, Kala afkaar duwanaantoodu waa ka qayb Isbaddelka. Dhinnaca khaliijka iyo waddamada carabta ayaa Gobalkan ku lug leh xasiloonidiisa walliba waddamada (Sucuudiga, Imaaraadka iyo Qadar), Oo u soo tartama maal-galinta macdanta, beerrah, xoollaha nool iyo qaybo ka mid ah kaabayaasha dhaqaallaha, Haddaba Gobalkani waxa uu caqabad leeyahay waa kheyraadka ku guudan iyo barrta uu dhaco juquraafi ahaan, Shiinaha laf-ahaantiisu waa meesha kaliyaatee ee ka baxsan waddankiisa ee uu ciidamo u diray iyo walliba inuu sal-dhig ka sameysto , Tusaalle ahaan waddanka Djabouti waxa uu ka yagleelay sannadkii 2017-kii , Waxa kale oo uu magacaabey sannadkii2021-kii Ergey gaar u ah afrika dhinaca dawllada shiinaha, Markaa waa buq-cad murraayad ah balse aad is odhanayso waxa ku nool duur-joog aan dhaadaneyn nimcada ku dhex dihin iyo culluunta dunta ee aradkan ku duuggan.Marka aynu gobalka ka hadlayo amuurro ka amba-qaadey ama collaadaha ka alloosan ma,aha kuwo u baahan caadifad, cunfi, iyo indho cunsirinimo. Waa iney noqdaan dhaayo wax hillaadsha oo fahma humaaga saxda iyo hirku barta uu isugu imanayo, Imika Somaliland hadii ay mar tallo, hoge-tusaale iyo taamilo-san ku noqotay Jawharad gobalka iyo aduunka ka mudhay waxa keenay fahan dibloomaasiyadeed iyo daallacashada qulluub daahira oo meesha inta badan aaney garaneyn Isirrka ay ka soo jeedaan, Haddaba waa in lagu socdaa toobiyihii iyo rastadii iftiinka u aheyd Somaliland, Oo aan collaadaha alloosan lagu habsaamin ee lays waydiiyaa maxaa keenay, halkaynu ku soconaa, iyo halkee baynu ka nimidney, Majaraha san iyo mawjadaha ay adduunka ka gashona aan laga leein, Shacabkeeda mahwiga ah ee miidda u badanina kala gartaan Dawlladnimada iyo Dannaha in laysu cafiyo oo laysu tannaasulo si loo hantiyo himillo dajisaneyd. Qalinka:- Cabdiraxmaan Sayid Faarax (Jeesto) Diplomatic Annalysis Gabiley/Somaliland. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|