Aqalka Wakiilada Dalka Maraykanka Oo Ansixiyay Xeer Madaxwayne Donald Trump U Ogolaanaya Aqoonsiga Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqalka Wakiilada Dalka Maraykanka Oo Ansixiyay Xeer Madaxwayne Donald Trump U Ogolaanaya Aqoonsiga Somaliland
January 28, 2025 - Written by Editor:

Dukumentiga mooshin cusub oo ay daabaceen Aqalka Wakiillada  Maraykanka,  ayaa jidaynaya  in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu qaran madax bannaan u aqoonsado JSL.

Dukumentigan cusub faraciisa labaad ayaa waxa si caddaan ah oo aan leex- leexad lahayn u siinayaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in uu ku dhawaaqo aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland.

Sidoo kale, waxa

Xeerkan oo  loogu magac daray “xeerka aqoonsiga Somaliland” ayaa waxa uu bayaaminayaa in siyaasadda Maraykanka ay tahay in sheegashada dhuleed ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ku sheeganayso dhulka Somaliland uu yahay mid waxba- kama jiraan ah oo aan ahayn in mudnaan la siiyo.

Dhinaca kale  dukumentigan ayaa sidoo kale  qeexaya in la taageero madaxbannaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Waa markii ugu horraysay oo baarlamaanka  uu qeexo in loo baahan yahay in la taageero madaxbannaanida Somaliland.

Sidoo kale waa   markii ugu horraysay goleyaasha baarlamaanka  Maraykanku si cad u qiraan  in dhulka  Somaliland ay tahay mid ka madaxbannaan  Soomaaliya,taas oo macnaheeda ay tahay in Somaliland aanay ka mid ahayn Soomaaliya.

Xeerkan oo magaciisa sumadiisu  tahay  H.R 10402 ayaa qeexaya in loo aqoonsado Somaliland dal gaar ah oo ka madax bannaan Soomaaliya,

Xeerkan ayaa waxa golaha congress ka Maraykanka hor keenay xildhidbaannada kala ah Mr. Perry iyo Mr Ogles iyada oo loo gudbiyay guddida arrimaha dibadda ee golahaasi.

COMMENTS
LINKS