“Waxaan Idinka Filayaa In Aragtida, fahamka Iyo Aqoonta Aad labadan Maalmood Isla Meel Dhigteen Ay Dhaqso Uga Muuqan Doonaan, Shaqada Aynnu Qaranka Uhaynno”Madaxwayne Cirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Idinka Filayaa In Aragtida, fahamka Iyo Aqoonta Aad labadan Maalmood Isla Meel Dhigteen Ay Dhaqso Uga Muuqan Doonaan, Shaqada Aynnu Qaranka Uhaynno”Madaxwayne Cirro
December 29, 2024 - Written by Editor:

Mudanayaasha Golaha Wasiirrada, Masuuliyiinta Kale Ee Qaranka, Iyo Aqoonyahanka Dhammaantiin Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu.

Waxaa inoo soo dhammaaday barnaamijkii muhiimka ahaa ee u gogol xaadhka shaqada golaha wasiirrada, oo labadii maalmood ee u dambeeyey aydin u fadhideen.

Ugu horreyn waxa aan idinku bogaadinayaa ka qaybgalkaas firfircoon, maskaxda iyo waqtiga aad geliseen iyo nuxurka qiimaha badan ee ka soo baxay maskaxahaas kala duwan ee aad isu geyseen labadaas maalmood, idinka oo ka faa’idaysanaya maskaxda iyo waayoaragnimada aqoonyahankeenna.

Waxa ay ahaayeen laba maalmood oo aad dejiseen sees fiican oo aan aaminsanahay in uu bar bilow u noqon doono geeddiga isbeddelka togan iyo wax qabadka ee qarankeenna.

Waxa aad isla meel dhigteen sida ugu quruxda badan ee aynnu ku midayn karno dadaalladeenna, sidii aynu u kordhin doonno fahamkeenna iyo caqabadaha jira ee ay tahay in aynnu isu kaashanno daweyntooda,

Waxaan idinka filayaa in aragtida, fahamka iyo aqoonta aad labadan maalmood isla meel dhigteen ay dhaqso uga muuqan doonaan shaqada aynnu qaranka u haynno.

Walaalayaal waxa ay umaddeenu nagu dooratay ma’aha abaal celin ama in aannu dadkeenna kale ka sarrayno,

balse waa tuhun iyo dareen ay ka qabeen in aannu wax ka qaban karno baahiyaha iyo galdaloolooyinka ay tebayaan in ay jiraan.

Waa masuuliyad aad u culus, si aan taas u guto ayaan aniguna idinka idiin soo xushay in aydin noqotaan jaalkii iyo baalashii iga caawin lahaa gudashada waajibkaas culus.

Maalintaan xilkaas la wareegay waxa aan naftayda ka mamnuucay dulmiga, musuqmaasuqa, khiyaamada, eexda iyo ka habrashada xaqa. Waxa aan idinkana idin farayaa in aydin ka dheeraataan arrimahaas.

Ugu dambayntii waxa aan u mahadnaqayaa aqoonyahanka iyo culimada diinta ee labadaas maalmood waqtigooda iyo maskaxdoodaba u huray qaranka.

Waxa inoo xigaa waa in aynnu shaqo u dhaqaaqno, Waxa aanan Alle ka baryayaa in uu tubta toosa innagu hanuuniyo, innaguna garab galo gudashada xilka qaranka.

Waad mahadsantihiin barnaamijkuna wuu inoo xidhan yahay.

COMMENTS
LINKS