|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Abniga Gudaha Jsl Oo Kulan la qaatay safiirka Itoobiya Ufadhiya Somaliland
December 22, 2024 - Written by Editor:Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Teshome Shunde Hamito, kulankan ayaa ugu horayn Wasiirku ku soo dhoweeyey isbarasho Safiirka. Dhinaca kale Safiirka Dalka Itoobiya ayaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha uga mahadnaqay soo dhowaynta uu u sameeyey Wasiirku, iyadoo ay ka wada hadleen Arrimaha Nabadgalyada ee labada dalka ka dhexeeye iyo guud ahaanba nabadgelyada Gobolka Geeska Afrika.
Waxa kale oo ay ka wada hadleen in la xoojiyo xidhiidhka Iskaashiga nabadgelyada ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya, iyadoo la isla qaatay in nabad lagu dhameeyo arrintii ka dhacday Degaanka Dacawaley ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya Related posts:DAAWO;-Waraysi Xasaasiya Oo Lala Yeeshay Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Iyo Arima... DAAWO; Warbixin ka Hadlaysa Baahida Nabadeed Ee Shacabka Ceel-afwayn Iyo Dareenka Ardayda Ku Waxbara... Wararkii Uu Danbeeyay Ee Weerar Dalka Iiraan Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Maraykanka Iyo Tirada Askar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|