Warbaahinta Dalka Itoobiya,Oo ka Hadashay Dhaqdhaqaaqyada Aqoonsi Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland Ee Dunida Ka Xoogaystay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbaahinta Dalka Itoobiya,Oo ka Hadashay Dhaqdhaqaaqyada Aqoonsi Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland Ee Dunida Ka Xoogaystay.
December 22, 2024 - Written by Editor:

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay shabakabadda FANA ee dawladda Itoobiya oo sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu doonayo inuu wax ka beddelo awoodaha  Geeska Afrika oo uu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland marka uu dhawaan la wareego aqalka cad.

Xoghayihii hore ee Gaashaandhiga ingiriiska,ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK, Gavin WIlliamson ayaa warbaahinta  u xaqiijiyay in Maraykanku danaynayo Aqoonsiga Somaliland.

Aidan J.Simardone oo fallan- qeeya siyaasadda, ayaa tilmaamay in  Somaliland ay taabogelisay xasilooni iyo deganaansho ay kaga duwan tahay Soomaaliya oo uu hallakeeyeen qas iyo colaado.

Aidan J.Simardone waxa kaloo uu ku dooday in Somaliland oo la ictiraafaa ay waxtar u yeellanayso dhaqdhaqaaqyada millatari ee Maraykanka iyo dalalka reer galbeedka.

Warsidaha FANA wuxuu xusay in Somaliland haddii la aqoonsado ay noqon doonto xiddigta qaabayn doonta isbeddelka cusub ee gobolka Geeska Afrika.

COMMENTS
LINKS