|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Ehelada Laba Oday Ee Marxuum Maxamed Cabdilaahi Riiraash Iyo Dr Obolos Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
December 2, 2024 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 02/12/2024. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Somaliland, shacbiga reer Somaliland iyo Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo bahda Suugaanta ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee labada Marxuum ee kala ah;-
oo ku kala geeriyooday xalay iyo saaka oo ay taariikhdu ahayd 02/12/2024, Cusbitaalka Guud iyo Cusbitaalka Gargaar ee caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiinta ku sifeeyey laba oday oo haldoor u ahaa bulshada Somaliland iyo inta ku hadasha Afka Soomaaligaba kana baxay dalka iyo dadka oo ay uga faa’iideeyeen aqoontii ay u lahaayeen dhinaca Dhakhtarnimada iyo Suugaanta. Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinta ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo bahda Suugaanta, qoysaskii, ehelladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:DAAWO ; Sil Siladii Miinlayda Ee Abwaan Weedhsame Bilaabay Oo Meel Xasaasiya Maraysa Iyo Abwaankii ... Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Muuse Cismaan Warsame”Muuse Geedi” Oo Ku Geeriyooday Hargay... Murrashax Cirro Oo Khudbad Dhinacyo Badana Taabanaysa U Jeediyey Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Ee B... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|