Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Bahda Dhaqanka Iyo Qoyskii Uu ka Baxay Marxuum Suldaan Saleebaan Ku Geeriyooday Magaalada Boorama. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Bahda Dhaqanka Iyo Qoyskii Uu ka Baxay Marxuum Suldaan Saleebaan Ku Geeriyooday Magaalada Boorama.
December 24, 2024 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 24/12/2024.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Somaliland, Bahda Dhaqanka, qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 24/12/2024 Caasimada Gobolka Awdal ee Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday Dhaqan oo wehel u ahaa nabada, kana baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland. Isagoo ka mid ahaa salaadiinta ugu facaweyn salaadiinta Somaliland ama inta ku hadasha Afka Soomaaliga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Dhaqanka, qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

COMMENTS
LINKS