Madaxwaynaha jsl Oo Cafis-madaxweyne Ufidiyay 643 Maxbuus Oo Ku Kala xidhan Jeelasha Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha jsl Oo Cafis-madaxweyne Ufidiyay 643 Maxbuus Oo Ku Kala xidhan Jeelasha Dalka
December 23, 2024 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-012/122024  uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoraalka Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-01/458/2024, kuna taariikhaysan 22/12/2024.

Markii aan tixgeliyey: Qoraalka soo-jeedinta ah ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/574/2024, kuna taariikhaysan, ujeeddadiisuna tahay Talo Bixin Cafis;

Markii aan la-tashaday: Hay’adaha ay khusayso;

Waxa aan go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 643 (Lix Boqol iyo Saddex iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

ALLAA MAHAD LEH

__________________________________

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS
LINKS