Madaxwaynaha Dalka Jabuuti oo Qaabiley Wafti Uu Hogaaminayay Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Dalka Jabuuti oo Qaabiley Wafti Uu Hogaaminayay Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilada Somaliland
December 2, 2024 - Written by Editor:

JABUUTI(W,N)-Wafti Uu Hogaaminayo Gudoomiye Xigeenka 2aad Ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Hogaamiyaha Aqlabiyadda Isbadalka Mudane Cali Xaamud Jibriil, Kuna Weheliyaan Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, Cismaan Afgaab iyo Cabdilaaahi Daahir Cukuse, Ayaa la kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumer Geele.

Madaxweynaha Ayaa Wafiga ku qaabiley Qasriga Madaxtooyada Dalka Djibouti, kulanka Ayaa lagu gorfeeyey xoojinta iyo Xidhiidhka labada Del.

Ugu danbeyn Gudoomiye Cali Xaamud Ayaa Madaxweynaha uga mahadnaqey soodhaweynta uu usameeyey waftiga uu hogaaminaayo, kulanka Ayaa kusoo dhamaadey isfahan iyo wadajirka labada Del.

COMMENTS
LINKS