|
|||||
WAJAALE NEWS
Ergayga Somaliland Uqaabilsan Midowga Afrika iyo IGAD, Oo Shaaciyay In Xukuumadda Cusub Ay Xoojin doonto Cilaaqaadka Saaxiibtinimo Ee Somaliland la leedahay Itoobiya,
December 18, 2024 - Written by Editor:Ergayga Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika iyo IGAD, Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa shaaciyay in xukuumadda cusub ee madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay xoojin doonto cilaaqaadka saaxiibtinimo ee Somaliland la leedahay Itoobiya, waxaanu tilmaamay in Itoobiya kaalin kaga jirto xasilinta mandaqada geeska Afrika. Sidaasna wuxuu ergayga Somaliland ee AU-da iyo IGAD Cabdilaahi Maxamed Ducaale ku sheegay waraysi uu siiyay Wargeyska The Ethiopian Herald, oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Waxaanu caddeeyay in uu kalsooni weyn ku qabo in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu adkayn doono xidhiidhka qotada dheer ee Somaliland la leedahay Itoobiya. Danjire Ducaale wuxuu xusay in guulaha Somaliland gaadhay ee dhinaca doorashooyinka iyo dumuqraaddiyadu ay taageeri doonto qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland. Mr. Ducaale wuxuu ku dooday in habkii nabadgelyada ahayd ee madaxweynihii hore Md. Muuse Biixi Cabdi uu xukunka ugu wareejiyay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay ka turjumayso qaangaadhnimada dimuqraaddiyadda Somaliland oo ah mid tusaale u noqonaysa gobolka Geeska Afrika. Danjire Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxa uu iftiimiyay in xukuumadda cusub ee Somaliland ay adkayn doonto xidhiidhka ay la leedahay dalalka gobolka. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|