|
|||||
WAJAALE NEWS
Budhcad Badeed Soomali Ah Oo Afduubtay Markab Uu Dalka Shiinuhu Leeyahay!
December 6, 2024 - Written by Editor:SOMALIYA(W,N) – Burcad-badeed hubeysan ayaa gacanta ku dhigay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay la socdeen 18-shaqaale ah, sida ay xaqiijiyeen ciidamada badda Midowga Yurub ee EUNAVFOR. Afduubka markabkan ayaa ka dhacay xeebaha waqooyi bari ee Puntland, iyadoo afduubkaan uu ka dhigan yahay in ay dib u soo cusboonaadeen falalka burcad badeedda ee xeebaha degaanada Puntland. Kooxaha burcad badeedda ee qabsaday markabkan ayaa ku hubeysnaa AK-47 iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Lama sheegin wax dhaawac ah ama dhimasho ah oo soo gaaray shaqaalaha la socda markabka, sida lagu sheegay war kasoo baxay EUNAVFOR. Afduubka markabka Shiinaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay kordheen isu socodka badda ee biyaha Soomaaliya, taasoo ka dhalatay iska horimaadyo ka dhacay badda cas iyo marinka Bab el-Mandeb oo ku qasbay maraakiibta inay dib ugu laabtaan isticmaalka biyaha Soomaaliya si ay uga badbaadaan weerarrada fallaagada Xuutiyiinta. Related posts:Madaxweynaha Jsl Oo Casho-Sharaf Ku Maamuusay Safiirro Iyo Diblomaasiyiin Dalka U Yimi Ka Qayb-Galka... “Shacbi Waynaha Somaliland Waxaan Leeyahay Maalmaha Adag Waxaa Loo Baahan Yahay In Dhibta Dhacda Iyo... Xadiga Lacagtii ay Dawlada Farmaajo ku Bixisay in Lafta-Gareen Madaxweyne Laga Dhigo oo la Shaaciyey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|