|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhigga ka Jaray Suuqa WAAHEEN Oo Dib loo Dhisay.
November 30, 2024 - Written by Editor:Hargeysa-30-11-2024-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa galabta xadhigga ka jaray suuqa ganacsiga ee WAAHEEN oo dib u dhis ballaadhan lagu sameeyey. Ugu horrayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeer kooban ku sameeyey dhismeyaasha casriga ah ee suuqa WAAHEEN laga hirgeliyey, kaddib masiibadii dabka ee suuqaas ku habsatay horraanta bishii April ee sannadkii 2022-kii, waxana uu indhihiisa ku arkay dabaqyada dhaadheer ee halkaas laga dhisay iyo sida suuqaas loogu dhammaystiray wax kasta oo badbaadada dadka iyo hantidaba muhiim u ah. Munaasibad kooban oo halkaas lagu qabtay, ayey hadallo kala duwan ka jeediyeen khubaradii gacanta ku hayey dhismaha suuqaas, xubno ku hadlay magaca hantiilayaasha dhismeyaasha suuqa WAAHEEN iyo madax kala duwan iyo hay’adaha dawladda katirsan, waxana ay si qoto dheer u sharraxeen marxaladihii uu suuqaasi soo maray iyo sida loogu guulaystay hirgelinta dhismeyaasha casriga ah ee la jaanqaadaya suuqyada dhiggiisa ah. Wasiirrada wasaaradaha Ganacsiga iyo Diinta iyo Awqaafta, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Mudane Maxamed Xaaji Aadan oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha qaranka ugaga mahadnaqay sidii habsamida lahayd ee uu ugu guntaday in suuqan dib loo dhiso, lagana gudbo dhammaanba caqabadihii soo wajahay, iyaga oo xusay in suuqaasi yahay mid casri ah badbaadadiisa muhiimad gaar ah la siiyey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay in dib loo dhiso suuqan, lagana hirgeliyo dhismeyaal dhaadheer oo imkaaniyaadkii suuq looga baahnaa loo wada dhamaystiray. Suuqa ganacsiga ee WAAHEEN ee haatan xadhigga laga jaray, ayaa ah 24 sekadood oo ka kooban 644 (Lix boqol iyo Afartan iyo Afar) meheradood oo qaab casri ah loo dhisay, loona dhammeeyey waddooyinkii, goobtii gaadiiidka macaamiisha la dhigayey iyo badbaadada hantida iyo maalka halkaas la dhigi doono. Wa-bilaahi Tawfiiq. Related posts:Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Itoobiya Iyo Madax Ka Socotay DDSI Oo Kusoo D... DAAWO; Xisbiga Ucid Oo Jawaab Adag ka bixiyay Eedo Xisbiga Wadani Usoo Jeediyay, Sheegayna In Ay ... Daawo:Dhacdo Ugub ku ah Umada Soomaalida Waraysi Lala YeeshayNinkii Caruuska ahaa Ee Mixiisadu Nink... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|