|
|||||
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Kulan dib u eegis iyo qiimaynta doorashadii madaxtooyada ku qabtay magaalada boorama
November 27, 2024 - Written by Editor:Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta, hudheelka Safari ee magaalada Boorama, ku qabtay kulan dib-u-eegis iyo qiimayn ah oo ku saabsan doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka ee qabsoomay 13-kii November 2024. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta habsami-u-socodkii doorashooyinka, caqabadihii la kulmay, casharradii laga bartay, iyo talooyin ku saabsan horumarinta hannaanka doorashooyinka mustaqbalka ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada JSL. Qodobada muhiimka ah ee kulanka laga hadlay waxaa ka mid ahaa:
Guddoomiyaha KDQ Md. Muuse Xasan Yuusuf ayaa carabbaabay muhiimadda qiimayntan, isagoo sheegay in talooyinka kasoo baxay kulanka ay gacan ka geysan doonaan horumarinta dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka ayaa sidoo kale muujiyey sida Somaliland uga go’an tahay in ay sii waddo hannaanka dib-u-eegista iyo qiimaynta, taas oo ay ku kasbanayso kalsoonida bulshada iyo tusaaleyn wanaagsan oo ku aaddan dimuqraadiyadda gobolka Geeska Afrika. Related posts:Gudoomiye Cirro Oo Eedihii Ugu Cuslaa Ujeediyay Madaxwayne Biixi,Sheegayna In Uu Shaqadiisii Kaga Ma... Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Wakiilada Oo Ciro Ku Edeeyey Inuu Golahii Si Dad-ban U Af Duub... DAAWO; Madax-dhaqameedka Gobolka Gabiley Oo Taageeray Shirka Beelaha Gar-xajis Iyo fariinta Ay Udir... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|