Ciidanka Booliska Jsl Oo Gacanta kusoo Dhigay Eeedaynase Maanta Magaalada Hargaysa Ku Diley Marxuum Khadar Xaashi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Booliska Jsl Oo Gacanta kusoo Dhigay Eeedaynase Maanta Magaalada Hargaysa Ku Diley Marxuum Khadar Xaashi.
November 29, 2024 - Written by Editor:

Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Baashe Faarax Ina Khadra Badel 24 jir ah oo ku eedaysan in uu  maanta ku dilay degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khadar Xaashi  Ismaaciil 37 jir ahaa , isagoo u isticmaalay todoba mindiyood , taasoo keentay geerida marxuumka!.

Hawlgal ay sameeyeen Ciidanku ayay gacanta kusoo dhigeen Eedaysanaha , waxaana socota baadhid dheeraad ah, markay dhamaatana waxa  degdeg loo horgayn doonaa ha’yaddaha garsoorka .

Taliska Ciidanka boolisku waxa tacsi u dirayaa ehellada Marxuum , waxaanu alle uga baryayaan in samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.

COMMENTS
LINKS