xisbiga Kulmiye Oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Taageerayaal Kasoo digo-rogtay Axsaabta Mucaaridka ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
xisbiga Kulmiye Oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Taageerayaal Kasoo digo-rogtay Axsaabta Mucaaridka ah
October 2, 2024 - Written by Editor:

Gabiley:01/10/2024(W,N)-Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayey xildhibaanno katirsan golaha deegaanka Gabiley iyo taageerayaashooda oo kasoo digo-rogtay axsaabta mucaaridka ah, kuna soo biiray xisbiga KULMIYE.

Munaasibadda lagu soo dhaweynayey xildhibaannadan iyo taageerayaashooda, waxa ka qaybgalay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-ku-xigeennada koowaad, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Labaad, Mudane Axmed Cabdi-dheere, Saddexaad, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, haween,madax-dhaqameed iyo madax xilal kala duwan ka haysa xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayo xildhibaannadan iyo taageerayaashooda.

Xildhibaannada xisbiga KULMIYE kusoo biiray ayaa kala ah xildhibaan Cabdinaasir Haaruun Habbane oo hore uga soo baxay WADDANI, xildhibaan Maxamed Dayib Cabdilaahi oo kasoo Baxay UCID, xildhibaan Caydaruus Maxamuud Sheekh Cumar oo kasoo baxay UCID iyo Xildhibaan Cali Muxumed Xasan oo hore uga soo baxay xisbiga UCID.

Dhinaca kale, waxa isla madasha lagu soo dhaweeyey siyaasiyiin saamayn leh oo kasoo digo-rogtay urur-siyaasadeedka KAAH iyo taageerashooda, kuwaas oo sir asmi ah ugu soo biiray xisbiga talada haya ee KULMIYE.

 

COMMENTS
LINKS