Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse Oo Kulan La Qaatay Dhalinyarada Magaalada Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse Oo Kulan La Qaatay Dhalinyarada Magaalada Gabiley
October 6, 2024 - Written by Editor:

Dadaalka mucaaridka Ee Kasbashada Shacabka G, Gabiley Iyo Difaaca Xisbi Xaakimka Kulmiye+ Sawirro Muujinaya  sida loogu kala Calaf Qaaday!

Siyaasi shucayb Maxamed Muuse oo kamid ah xisbiga Mucaarridka ee waddani ayaa caawa kulan kula yeeshay magaalada gabiley dhalinyarada iyo aqoonnyhanka gobolka kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii ay reer gabiley safka hore uga gali lahaayeen isbadalka dalka socda una taageeri lahaayeen xisbiga waddani.

Sidoo kale siyaasi shucayb ayaa tan iyo intii uu kusoo biiray xisbiga rajada shacabka ee waddani wuxuu dadaalo xisbiga lagu taageerayo ka waday guud ahaan gobolka gabiley Kuwaasi oo uu ku muujiyay awoodiisa siyaasadeed ee uu ku leeyahay gobolka gabiley iyo taageerada uu ka haysto shacabka.

Dhanka kale xisbi xaakimka kulmiye oo isagu difaaca kaga jira magaalada gabiley ayaa godkiisa biyo ugu soo galeen maadama gobolka gabiley lagu tiriyo meelaha ugu danbeeyay ee xisbiga kulmiye lagu tartamayo, islamarkaana uu ka socdo loolan adagi.

Maayarka magaalada gabiley oo isna caawa la shiray qaarkamid ah dhalinyarada magaalada ayaa umuuqda kuwo sii awood gabaya marka lays barbar dhiga labada shir ee ay isla caawa magaalada ku kala qabteen siyaasi shucayb iyo maayar amiin.

 

COMMENTS
LINKS