|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabiley Safiirka Midowga Yurub
October 21, 2024 - Written by Editor:Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Midowga Yurub Amb. Karin Johansson.
Waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka midowga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland, mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac. Sidoo kale, waxa kulanka lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika. Waxaana Madaxweynaha Qaranka Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud iyo Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno). Dhinaca Weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey Ms. Caroline Adriaensen, oo ah Madaxa Iskaashiga iyo Mr. Adnan hagoog. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Related posts:DAAWO;Cabdiraxmaan Saylici Iyo Wasiir Xaglatoose Oo Loolankoodi Cirka Isku Shareeray+Saska Sayli... Halkanka Daawo Hambalyadii ay Dirayeen Masuuliyiinta Jaamacada Timacade University ee Magaalada Gabi... DAAWO;-Bulshada Degmada Agabar Oo Ka Hadlay Roobab Khasaare Nafeed Soo Gaadhsiiyay,Cabasho Xoogana ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|