|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaabiley Safiirka Dawladda Denmark
October 22, 2024 - Written by Editor:Hargeysa-22-10-2024-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen.
Waxaana kulanka lagu lafo-guray xoojinta xidhiidhka dawladda Denmark iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxa laga wada hadlay mashaariicda horumarinta bulshada ee ay iska kaashadaan labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Geeska Afrika. Waxaana Madaxweynaha Qaranka Somaliland kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca Weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey Madaxa xafiiska Denmark ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Mathias Kjaer. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir
Related posts:“Geeridu Waa Shayga Kaliya Ee la Hubo, Allaha U Naxariisto Inankeygii,Lakiin Waxa Raad Xun Oo Damqas... "Cidkastoo Wax Iga Tirsanaysa Waxaan Ka Codsanayaa, Inay Ilaahay Dartii Ii Saamaxdo,.."Xil. Barkhad ... Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Badheedhay Raali-gelinta Wasiirada Beeshiisa Iyo Ammar Ku Taaglaynta Maxa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|